SOMALI SURVIVORS
Soomaaliya waxay ku jirtay xaalad deggenaansho la’aan ah oo ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe sannadkii 1991.
Xaaladahaas oo siyaabo kala duwan u saameeyey ummadda Soomaaliyeed ayaan illaaa maanta laga gaarin dhammaad looga gudbo xasillooni waarta.
Colaadaha dalku ku jiray in ka badan soddon sano waxay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan. Intaa waxaa dheer saameynta maskaxeed oo ay ku reebeen boqollaal Kun oo qof kuwaas oo la liita dhibaato jireed iyo mid maskaxeed oo dhibaatooyinkaas sabab u yihiin.
Si duruufahaas adag wax uun looga qabto islamarkaana ummadda Soomaaliyeed loogu muujiyo in la garab taagan yahay lagana gudbi karo xaalad kasta oo adag ayaa loo aasaasay hay’adda Somali Survivors.
Hay’adda Somali Survivors oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn waxay isu xilqaantay inay albaab tiiraanyo bixin ah u furto boqollaalka kun ee ku naafoobay qaraxyada.