Somali Survivors

Somali Survivors

Soomaaliya waxay ku jirtay xaalad deggenaansho la’aan ah oo ka dhalatay burburkii dowladdii dhexe sannadkii 1991.

Xaaladahaas oo siyaabo kala duwan u saameeyey ummadda Soomaaliyeed ayaan illaaa maanta laga gaarin dhammaad looga gudbo xasillooni waarta.

Hadafka Somali Survivors

Ujeedka loo curiyey dhismaha hay’adda Somali Survivors oo ah hay’addii ugu horreeysay ee nuuceeda oo kale dalka laga hirgaliyo ayaa ah:-

In la siiyo saldhig ay ku nafisaan dadka waxyeellooyinku ka soo gaareen dhibaatooyinka ka jira dalka.

Inay helaan goob ay dhex marsiiyaan dhibaatada gaartay si ay shacabka Soomaaliyeed uga helaan garab istaag dhab ah.

In dhaawaca muuqda loo fidiyo daryeel caafimaad oo gudaha dalka iyo dibaddiisa ah.

In Daryeel dhimirka ah loo sameeyo ayadoo la kaashanaayo qubaro ku taqasustay tiiraanyada dadka kasoo gaarta maskaxda.

In shaqo abuur loo sameeyo dhibbanayaasha ay waxyeelladu gaartay si ay u helaan isku filnaansho nololeed.

In ay hay’addu siineyso fursad dumarka iyo carruurta la kulma xadgudubyada kala duwan si ay u helaan daryeel ay uga kabtaan xaaladahaas gurracan

NEWS

video

Photo Gallery

Shopping Cart